
Dowladda Kenya ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso xadgudub ay sheegtay inay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.
War kasoo baxay madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:
Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya, Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka.
“Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya; halkaasoo ciidamada ajnabiga ah ay ku sameeyeen falal cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.