Signal APP oo Wajahday Cilado Farsamo.

(SLE) – Signal APP ayaa sheegtay inay wajaheen cilado farsamo ayna ka shaqeynayaan sidii ay u soo celin lahaayeen adeegga, maadaama ay dad farabadani u soo diga-rogteen ka dib markii APP-ka WhatsApp ee tartanku ka dhexeeyaa uu ku dhawaaqay isbadal muran badan dhaliyay oo uu ku samaynayo xafidida macluumaadka dadka ee gaarka ah.

Signal iyo Telegram ayaa labaduba aad ugu faa’iidaystay xanaaqa dadwaynaha ee ka dhashay isbeddelada siyaasadeed ee ay ku dhawaaqday WhatsApp todobaadkii hore. Telegram ayaa sheegtay Arbacadii inay dadka isticmaalaa dhaafeen 500 milyan.

“Waxaan ku soo kordhinaynay server-yo cusub oo xawaarahoodu aad u dheereeyo maalin kasta todobaadkan, laakiin maanta way dhaaftay xitaa saadaasheenii ugu fiicnayd,” ayuu yiri Aruna Harder, oo ah madaxa howlgalka ee Signal Messenger.

Waqtigaan la joogo, in ka badan 1,300 oo isticmaale ayaa wali wajahaya cilado farsamo, sida ay sheegayso shabakada raadraaca maqnaanshaha ee loo yaqaan Downdetector.

Signal APP oo fadhigeedu yahay Silicon Valley waxaa aasaasay bishii February 2018 Brian Acton, oo hore u usameeyey WhatsApp ka hor inta uusan ka iibin Facebook.

Be the first to comment

Leave a Reply