Qarax Xoogan oo Gilgilay Caasimadda Lubnaan

Uguyaraan 2,750 qof ayaa ku dhaawacmay halka dhimashaduna 50 kor u dhaaftay qarax xoogan oo caawa fiidkii ka dhacay meel u dhow dekada magaalo madaxda Lubnaan, Bayruud, ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Wuxuu ahaa qarax gilgilay gebi ahaan magaalada oo isagoo kale intii dagaaladu ka dhacayeen dalkaas aan hore loogu arag. Ilaa 6 mile guryihii ku yaalay ayaa burbur ku dhacay oo laga dareemay quwada qaraxa. Dad badan ayaa mooday dhulgariir oo iyagoo wareersan wadooyinka tubnaa.

Qaraxan ayaa yimid kadib markii sadex casho uun ka hor maxkamad ay dabada ka riixayso qaramada midoobay, laga sugayey inay go’aan ka gaadho dacwad ahayd in afar eedeeysane oo ka tirsan ururka shiicada ee xisbulaah ku dileen qarax bom ah 2005 raisul wasaarihii Rafik al-hariri iyo 21 qof oo kale.

Weli ma cada waxa sababay dabkan dhaliyey qaraxan wayn.

SomalilandEmbassy.com

Be the first to comment

Leave a Reply