
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxa Maamulka Villa Somalia Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey inay labada masuul ku kulmeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.
Inkastoo war rasmi ahi ka soo bixin labada dhinac, haddana ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in labada masuul wada hadalkoodu u badnaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.
Kulankan oo qaatay saacad ka yar ahaana kii ugu horeeyey ee ay labada hogaamiye wada yeeshaan ayaa la filayaa inuu noqon doono kulan si rasmiya dib u bilaaba wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hakadku ku yimid.
Intii kulankaa koobani socday ayaa Mr Farmaajo dhowr jeer isku dayey inuu Madaxweyne Biixi waydiisto inuu Hargeysa usii raaco, laakiin Madaxweynaha ayaa ganafka ku dhuftay una sheegay in aan wakhtigaa la gaadhin.
SomalilandEmbassy.com
Addis Ababa, Eithopia
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.