
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefigiisii galabta ka dhoofay magaalada Hargeysa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha wasiirul dowlaha arrimaha dibada ee Itoobiya Md Akilo Haile Mecheal.
Safarkan Madaxweynaha ayaa muhiimadiisa ugu wayni tahay sidii loo sii xoojinlahaa xidhiidhka wax wada qabsi, nabadda iyo xasiloonida labada dal ee deriska ah iyo guud ahaan geeska Afrika.
Inkastoo aan weli lashaacin haddana sida aanu ka helayno ilo lagu kalsoonyahay waxaa la filayaa inay wada kulmaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxa Guriga Villa Soomaaliya Md Cabdillaahi Farmaajo.
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.