
Madaxweyne Donald Trump ayaa soo dhigay Twitter kiisa in isaga iyo Marwadiisa Melania Trump laga helay Covid-19.
“Madaxwynaha iyo Marwada koobaad labaduba waa fiicanyihiin wakhtigan, waxaanay ku tala jiraan inay isku karatiimeeyaan guriga cad intay la tacaalayaan cudurkan” ayuu yidhi dhakhtarka qoyska Madaxweyne Trump, Mr Conley.
Trump ayaa habeenkii khamiista sheegay inuu isu diyaarinayo is-karantriimayn ka dib markii mid ka mid ah kalkaaliyaashiisa laga helay cudurkan Covid-19.
Kalkaalisadan oo lagu magacaabo, Ms Hicks, ayaa dhowr jeer la raacday diyaaradiisa khaaska ah. Socdaaladaas waxaa ka mid ah kii ugu danbeeyey ee doodu ku dhexmartay musharaxa madaxweynaha, Joe Biden, magaalada Cleveland. Waxaa la arkayey Ms Hicks oo diyaaradda bilaa “mask” la saaran dad badan oo ay ka mid yihiin, Morganka Guriga Cad, Mr Jared Kushner.
SomalilandEmbassy.com
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.