
Dureeyga Karoonaha ayaa sababay inay maanta JUVENTUS & Inter Milan kuwada ciyaaraan garoon cidla ah.
Gebi ahaanba inta ka hadhay xiliciyaareedka Serie A ayaan la hubin in loo ogolaandoono in dad daawadaan iyo inkale cabsida Karoonaha awgeed.
Talyaaniga ayaa ka mida ah wadamada uu dureeygani faraha baas ku hayo. Tirada dhimashada oo marba maka ka danbeeysa sii kordhaysa ayaa hadda waxay kor u dhaaftay 366. Inta badan talyaanigu waa karantiimeeysan yahay.
Sida uu sheegay dhakhtar Somaliya oo ka hawlgala Talyaaniga ilaa iyo hadda 3 Soomaaliya uunbaa ka mid ah dadkuu saameeyey dureeygani, wax dhimasho ahna lama sheegin.
Somaliland.ca
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.