
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku lug leedahay falal argagixiso oo sababi kara dagaal ka dhaca gudaha jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Somaliland.
Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u “wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya”.
”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan”, ayuu yidhi Deni.
Mar madaxweyne Dani la weydiiyay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yidhi, ”Waxaa ka mid ah oonu ognahay in iney gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda Somaliland”
Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay “wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”.
”Inaga ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalka laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.