Dagaal Qayb Wayn ka Qaatay Qadiyadda Ictiraafka Somaliland

Cajalad lagu sheegay in ay tahay dagaal dhex maray Farmaajo iyo Khayre ayaa baraha bulshadu ku kulanto ka heshay daawasho boqolaal kun kor u dhaaftay. Cajaldan oo wadata cinwaanka ah “ Madaxweynaha Soomaaliya iyo ku xigeenkiisoo is feedhay”, ayuu bishan August  dhexdeeda bartiisa Facebook soo dhigay badhasaabka/duqa Nairobi, Mike Sonko.

Cajaladanoo laysla sii wada-wadaagay ayaan ahayn dagaal Farmaajo iyo Khayre dhex maray laakiin ahayd dagaalkii golaha wakiilada Somaliland ku dhexmaray, 2015, Gudoomiye Ciro iyo Ku xigeenkiisii wakhtigaas Gudoomiye Baashe.

Cajadladan oo warkeedu gaadhay meelo badan oo caalamka ka mid ah ayaa wargeysyo waawayni, khaasatan kuwa afrika sida Zimbabwe ilaa Nigeria, ku daabaceen bogooda hore.

Sikastaba ha ahaatee, aakhirkii waxaa laysugu yimid xaqiiqdii iyo in dagaalka iyo dalkuba aanu sax ahayn, kadibna waxaa bilaabantay in Facebook ilaa dhamaan wargeysyaddii daabacay warkaa khaldan ay dib u saxaan iyagoo ku bilaabaya: “Video from Somaliland, not Somalia”  ama “Cajaladu waxay ka timi Somaliland ee kamay iman Soomaaliya”

Dhamaan wargeysyadu waxay si mug leh u sharaxeen kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxay kaloo tilmaameen calanka Somaliland ee ka muuqda cajalada dhexdeeda iyo qoraalka ku qoran golaha wakiilada Somaliland.

Siday doontaba haku bilaabatee, waxay ku dhamaatay qirasho iyo qeexid cad oo dhamaan intii cajaladaasi gaadhayba ay ku sheegeen kala duwanaanshaha iyo inay laba dal kala yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

Halkan ka eeg sidii warkaasi ku faafay….

SomalilandEmbassy.com

Be the first to comment

Leave a Reply