
Madaxa Villa Somaliya Md Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo qudbad ka jeediyey shirka garsoorka Muqdisho ayaa hadal qaybtiisa hore u egtahay raali gelin laakiin markii danbe isu bedelay qosol iyo jees-jees goobtaa ka sheegay.
Mr Farmaajo ayaa hadalkiisa ku bilaabay sida ay muhiim u tahay in lays cafiyo iyo madaxweyne ahaan inuu aad uga xunyahay waxa uu ugu yeedhay “dhib” ee waqooyi ka dhacay. Hadalakiisana waxaa ka mid ahaa “..wixii halkaas ka dhacay dhacay ma ahayn Koofur oo wuqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd system dowli ah oo markaas jiray, anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo aan raaligelintaas aan gaadhsiino walaalaheen reer waqooyi Idinkuna aad ila qaadataan,…”
Mr Farmaajo oo aad moodo in doorashadiisa erayada af-soomaligu ay aad u liidato ayaa xasuuqii iyo gumaadkii ka dhacay dhulka Somaliland ku sheegay ‘dhib”. Si kastaba ha ahaatee, Mr Farmaajo oo ay muuqatay waxan uu ugu yeedhay, raaligelinta ama cudur daarku, inay ahayd afka baarkiisa ayaa haddana ugu danbayntii ku soo gunaanaday isagoo dhoolacadaynaya “…dhanka kale dadkii iyana qoryaha watay ee dagaalamayey iyagana cudur daarbaa laga rabaa ..” taasoo macnaheedu yahay Mujaahidiintii amaba lixlayaashii ka dhiidhiyey, xasuuqa iyo gumaadka taliskii faqashtu , iyana raaligelin iyo cudurdaar ha bixiyeen.
isku soo wada duuboo, hadalkan ka soo baxay Villa Somaliya ayaad moodaa mid aad uga fog wixii loogu talagalay. hadaba , iswaydiintu waxay tahay ma ula kac bay ka ahayd Maamulka Villa Farmaajo mise odhaahda afka-soomaaliga oo ku yar iyo farsamo xumay ka ahayd?.
SomalilandEmbassy.com
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.