
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubaland, Md. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo u qudbadeeynayey baarlamaanka Jubaland ayaa ugu baaqay Maleeyshiyada MUKULAAL ee Villa Farmaajo inay isaga baxaan gobolka Gedo.
Hadaladdii Madaxweynahana waxaa ka mid ahaa:
“Maanta waxay noqotay in boqollaal kun oo Beled Xaawo degganaa, ay kuleylkan Maarso lagu jiro intay barakacaan uusan qof walba garaneyn halka uu joogo, waa dhaxalka ay keentay dowladnimada Soomaaliya”
Arrinta gobolka Gedo, shuruud la`aan dowladda federaalka haka baxdo, ciidankeeda haka qaaddo, haka baxdo, miiska wada hadallada aan isugu nimaadno”
Sheekh Axmed isagoo la hadlaya dowladaha garabka siinaya Villa farmaajana wuxuu yidhi:
“Turkiga goormaan collownay oo Soomaali ciidamada uu u tababarayo ay noqdeen kuwa dadka lagu laynayo? Ama Haramcad dheh, ama MUKULAAL ama YAANYUUR dheh ama bahal kale ugu yeer. Waxaa la leeyahay ciidamada uu Turkigu soo tababaray ee loogu talo galay inay Alshabaab la dagaallamaan ayaa maanta GUMAAD & QAX ka wada Galbahaaray, Beled Xaawo iyo Doolow.
Waxaan oran lahaa dowladda Soomaaliya wax lagu aamini kara maanta ma jirtee, hawadeena cid kale oo noo haysa haloo dhiibo, ciidamadan la soo tabobarayana, Qadarey lacagta aad bixineyso naga daa ee waddanka dhibaatada ku ah, Turkina waxaad tabobareyso jooji oo taariikhda Soomaaliya geli doonta.”
Somaliland.ca
Leave a Reply
You must be logged in to post a comment.