33 Sano ka dib, Gedo oo sidii Burco & Hargeysa u QAXAYSA!!

Waraka naga soo gaadhaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal khasaare ba’an geeystay uu ku dhexmaray badhtamaha BeledXaawo ciidanka Villa Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii ciidamada Villa Somalia saaka, illaa xalay ay go’doomiyeen xerada BP1 oo ay dagan yihiin ciidamo uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan).

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka la’isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xaafadaha qaar ay haatan gubanayaan, kadib markii ay ku dhaceen tiro hoobiyeyaal ah.

Waxa la yaab ah in ciidankii xooga dalka ee Burco Iyo Hargeysa xasuuqa iyo qaxa ka geeystay 1987 kii, 33 sano ka hor ay maantana mid la mid ah ka gaystaan Gedo iyo gobolkii hogaamiyihii ciidankaas hor kacayey af-ganbigii 1969 kii.

Be the first to comment

Leave a Reply