Taliska Villa Farmaajo & Qaracanka Safaaradda Taiwan ee Somaliland

Taliska Villa Farmaajo, ee wejiyadda badan, ayey markale ka soo baxday warqad muujinaysa xumaanta, xaasidnimadda iyo dibindaabyada uu marwalba la dabataagan yahay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Warqadan oo ku qornayd afka ingiriiska ayaa nuxurkeedu ahaa sida uu Taliska villa Farmajo uga xunyahay Safaaradda Taiwan ka furatay jamhuuriyadda Somaliland.

Haseyeeshee, xukuumadda Somaliland oo aad moodo, xukuumad umal kama baxdo ah, ayaa marwalba iloowda dibin-daabyooyinka iyo dhabar-jebinta  looga soo alooso Villa Farmaajo.

Bahal ceedhin ma daayo nina caadii ma baajee, haddii warqadda tan xigta ee ka soo baxda Villa farmaajo lagu sheego dib u bilowga wadahadallada Somaliya iyo Somaliland, waxaa suuro gal ah in ay xukuumadda Somaliland sidii caadada u ahayd jibo iyo laab-lakac ku ogolaandoonto.

Xukuumadda Somaliland waa inay ka saartaa shacabkeeda giraantaa wareegeysa ama “ila-meeraysataddaa” aan dhamaanayn.

Halkan ka akhriso warqaddii villa farmaajo:

Iska hadlow ina-igare…..

SomalilandEmbassy.com

366 Views

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*