141 qof oo COVID-19 laga helay: Jabuuti

Wasaaradda caafimaadka ee Jabuuti ayaa sheegtay in maanta 141 qof oo cusub laga helay Covid-19. Dadkan ayaa la ogaaday ka dib markii baadhitaan lagu sameeyey ilaa 1560 qof.

141 kan qof ayaa ka dhigaya tirada guud 732 qof oo mudo 24 saacadood lagu diiwaan geliyo. ilaa iyo hadda tirada geerida ayaa lagu sheegay 2 qof halka 73 qofoodna ka badbaadeen.

Jabuuti oo baadhitaanku si xawli ah uga socdo ayaa ilaa iyo hadda la baadhay 6,550 qof. Maanta ayaa noqonaysa maalintii labaad ee ugu tirada badneeyd ee lahelo dad xanuunkan koroonuhu hayo.

SomalilandEmbassy.com
Jabuuti

Be the first to comment

Leave a Reply